Scamming
Waa mid kamida khiyaamoyinka wax lagu jabsado gaar ahaan lacagta,qofka falkan gaysta waxa loo yaqaana scammer waxa uu isticmaala xirfad loo yaqaano "Social engineering" oo kamida xirfadaha yaryar ee la barto inta lagu jiro course ka ethical hacking ka taas oo marka cybersecurity la joogo aan ku macnayn karo af-gobaadsi waa hab qofka loo jabsanayo maskaxdiisa ilaa heer la gaadhsiyo in isaga oo raali ah uu xogtiisa shaqsiga ah bixinayo
Tusaale waxa laga yaaba in mararka qaar whatsappka lagugu so diro fariin u dhigan sidan"ku guuleyso 30gb oo data internet ah si lagugu so diro adna u sii dir ugu yaraan 30 ruux oo kamida asxaabtada whatsapp" ama in lagu dhaho wadanka norway ama canada ayaa boqol kun oo ruux qadanaysa halkan ka buuxi oo tijaabi nasiibkaga kadibna adoo aaminsan ay ku hoos galiyaan su,aalo shaqsi ah badana su,aalaha hore waxa ay ka dhigaan kuwo caadiya marka aad website kooda booqatid sida magaca,halke ku nooshahay,inta danbe ayad gaadhi form ay ku jiraan gali gmailkaga,passwordka,credit karkaga iyaga oo si caqliyaysan kaga qadaya xogo muhiim ah dhawaana kugu rakatayn ama xujayn doona marka ay helaan.
Si aad scammer u noqotid mararka qaar muhiim maaha in aad aqoon u leedahay hacking ka ama cybersecurity waxa wayadan so badanaya scammers dhaqami ah iyaga oo inta ay kuso wacan ku odhanaya waa bangiga aad lacagta dhigatid waxana update ku samaynaynaa acccountgaga sidasna kaga qadaya number sireedyadada halka qaar ay fariin sms ah u diraan dadka iyaga oo iska dhigaya in lacag kaga so khaldantay, nigeria ayaa ah wadanka ugu scammers badan africa aduunkana kaga jirta kalimaha hore celcelis ahaan waxa la dhaha qofka scammer ka waxa uu sacadi shaqeeya 32$ halka uu sanadkii shaqeeyo $68,650
scammersku waa dad marka internetka la joogo aan lahayn shaqsiyad si kale waa dad aan la ogaan karin, waxa ay isticmalaan magac,ciwaano iyo nambaro been abuur ah taas oo ka dhigan in hadii aad dabin kooda ku dhacdid ayna jirin meel aad u raacdo.
Hadad rabtid inad ogaato in qofka kula hadlaya uu scammer yahay waxa ay kawada siman yihiin dabeecadahan, in ay dagdagayaan iyaga oo ku dhahaya horey u same waxas,cidna ha u sheegin,lacag yar so dir si hawsha aan uso gabagabeeyo iyo jumlado noocan ah,waxa ay phising iyo scamming na ku kala duwanyihiin qofka phishing ka samaynaya waxa uu raba in uu xogtada shaqsiga ah helo sida sawiradada,muuqaalo ,ama uu gudaha ugalo barahaga bulshada iyo wax adi uun kugu saabsan halka scammerku uu kaliya rabo lacag,badanana ma galaan baraha bulshada ee dadka waxa ay xooga saaran bankyada,credit cards,iyo xogaha ay ku helayaan lacagta.
wali xeeladahan ma lagu isticmaalay ?